DEG-DEG: Sharcigii Cusbaa Ee Lasoo Saaray Ee Kaadhka Buluugga Ah Oo Shaki Hadheeyey – Maxaa Soo Kordhay? #2

By yaasirmarketer

Published on:

Qorsheyaashii ahaa in kubadda cagta lagu soo kordhiyo sharci cusub oo ogolaanaya in garsooreyaashu ay adeegsadaan kaadhadh buluug ah ayaa uu shaki ku jiraa in la hirgelin doono, kaddib markii Jimcihii maanta la shaaciyey in la kansalayo qorshahan.

Sida uu qoray wargeyska The Telegraph, qorshaha kaadhka buluugga ah ayaa meesha laga saari doonaa, iyadoo xidhiidhka kubadda cagta FIFA ay sheegtay in aan la joogin waqtigii sharci noocaas ah la samayn lahaa, sababtana waxay ku sheegeen in uu sii kordhin doono khilaafyada garoomada dhaxdooda.

Si kastaba ha ahaatee, sharci-sameeyeyaasha kubadda cagta ee IFAB ayaa kulan ay yeelan doonaan bisha dambe waxa ay go’aan kama dambays ah kaga gaadhi doonaan sharcigan oo hindisihiisu uu soo bilowday bishii November.

Kaadhka buluugga ah ayaa waxa la siinayaa ciyaartoyga ku kacda qaladaadka xun, balse aan lagu qancin inay casaan toos ah leeyihiin, waxaana go’aankiisa gaadhaya garsooraha dhexe, garsooraha afraad iyo calanwadaha.

Ciyaartoyga la siiyo kaadhka buluugga ah ayaa waxa uu kursiga kaydka fadhiyayaa muddo 10 daqiiqadood ah, balse 24 saacadood kaddib markii laga yeeshay kulan Jimcihii maanta.

Related Posts

RASMI: Xiddigaha Real Madrid Ee Kulanka Girona Oo Lasoo Saaray – Nacho, Alaba, Militao, Courtois Iyo Ciyaartoyda Kale Ee Maqan

DEG-DEG: Sharcigii Cusbaa Ee Lasoo Saaray Ee Kaadhka Buluugga Ah Oo Shaki Hadheeyey – Maxaa Soo Kordhay?

yaasirmarketer

Leave a Comment